Farmaajo: Ethiopia iyo Kenya ha ka dhabeeyan saddex arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ballanqaadyo dhowr ah oo ay Somalia u sameeyen dowladaha deriska la’ ah Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay wanaajiso kuwa deriska la ah, waxa uuna ku baaqay in dowladaha Ethiopia iyo Kenya looga baahan yahay inay ka dhabeeyan ballanqaadyada ay sameeyen.

Waxa uu sheegay inay ballanqaaden wada shaqeyn dhanka Amniga, Tababarada ciidamada iyo Dhaqaalaha.

”Somalia beej gaar ah ayay ku qoroneynaa balanqaadyada ay noo sameeyen dowladaha qeybta ka ahaa shirka London”

”Waxa uu ujeedkeenu yahay inaan la socno dowladaha ka dhabeynaaya balanqaadka iyo kuwa aan ka dhabeyn”

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Somalia ay il gaara ku heyso dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxa uuna carab dhabay in looga baahan yahay inay ka dhabeeyan ballanqaadyada ay ka sheegen shirka London.

Docda kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha kaga imaanaya caalamka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET