Golaha Wasiirada XFS oo dib u sixid ku sameeyay go’aanadii Amniga & M.G.Banaadir oo kaalin lasiiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa dib u sixid ku sameeyay go’aanadii dhinaca amniga ahaa ee shalay ay soo saareen Golaha.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u sixid lagu sameeyay go’aanadii ay isla gaaren Golaha Wasiirada ee lagu xoojinaayay Amniga magaalada Muqdisho.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo guud ahaanba Golaha Wasiirada ayaa maamulka Gobolka Banaadir ku amaanay doorka dhisida Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir.

Dib u sixida qodobadii hore kadib waxaa la faray dhammaan Hay’adaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan Golaha amaanka maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Golahu waxey isla fahmeen inay muhiim tahay in Golaha Amniga Golbaka Banaadir ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka caasimada.

HOOS KA AKHRISO SAXIDA LAGU SAMEEYAY GO’AANKII GOLAHA WASIIRADA

Mogadishu, 12 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ku gaaray go’aamo amniga iyo xasilinta lagu dar-dargelinayo.

Golaha Wasiirada ayaa si wadar-oggol ah u ansixiyey go’aamadan:

1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

2. Maamulka Gobolka Benadir ayaa door hormuud ka qaadanaya iskudubaridka ciidanka howlgalka caasimada.

3. Golahu waxey soo dhoweeyeen go’aanka Gobolka Benadir ee ah in Gawaarida laga mamnuuco inay dhigtaan wadada Makka Mukaramma, uguna baaqaan gaadiidleyda inay maamulka Gobolka kala shaqeeyaan arrinkan si amniga aan u wada ilaashano.

4. Golaha Wasiirada waxey soo dhoweeyeen kuna ammaaneen Maamulka Gobolka dhisida Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir waxaana la faray hay’adaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan. Golahu waxey isla garteen in Golaha Amniga Golbaka Benadir ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka caasimada.

5. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,

b. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah

Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.

6. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.

7. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

8. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

10. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

11. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

12. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.

13. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

14. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-

a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.

b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

15. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

16. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com