24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

Sawirro: Taliyaha Ciidamada Xoogga oo qorshe culus uga dhawaaqay Bariire

Bookmark
Bookmarked

Share

Bariire (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan goobihii dhowaan laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha oo safarkaan ku maray Sabiib iyo Caanoole ayaa tegay Bariire oo dhowaan lagu laayey dhamaan wixii Shabaab joogay, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Uganda ay ku qaadeen weerar toddoba maalmood socday.

Jeneraal Odowaa ayaa ciidamada ugu tegay difaacyada ugu dambeeyey ee deegaanka Bariire, isagoo faray inay sii dhaqaajiyaan howlgalka gobolkaas looga sifeynayo Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor Gaashaanle Cali Cagey ayaa Taliyaha Odowaa kusoo dhaweeyay deegaanka, isagoo warbixin ka siiyey jabkii argagixisada loogu geystay degaanka Bariire iyo sida uu u dhacay howlgalku.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka fagaaraha Bariire kula hadlay Ciidanka Xoogga ee xoreeyey deegaankaas iyo kuwa Ciidanka Uganda ayaa aad ugu amaanay naf hurnimada ay sameeyeen, isagoo bogaadiyey guushii ay ka gaareen howlgalkii adkaa ee Bariire.

Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan weerar kale oo maalmaha soo socda lagu qaadayo Awdheegle oo dhowaan gacanta u gashay Al-Shabaab, halkaas oo ay ka qoteen difaacyo kasii adag kuwii lagu laayey ee Bariire.

Howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu magacdaray duufaanta aamusan, waxaana la qorsheeyey in Al-Shabaab deg deg looga xoreeyo gobollada Shabeellooyinka, hadii kooxda laga saaro Awdheegle, waxay ka dhigan tahay inay ku jabeen oo gacantooda uu ka baxay gobolka muhiimka ah ee Sh/Hoose.

 

- Advertisement -

Read more

Local News