Taliye Sulub oo balanqaadkii u horeeyay sameeyay kadib markii uu xilka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliye Sulub oo ka hadlay munaasibada xil-wareejinta ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska.

Taliyaha cusub ayaa ballan-qaadka cusub ee maanta uu sameeyay ku tilmaamay mid kor u qaadaya awooda gudaha ee booliska, “si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.”

Taliyaha cusub ayaa waxa sidoo kale laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka imaatay wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Si kastaba, Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.