Kenya oo ka laabatay go’aan ay ka qaadatay socdaalka Soomaalida 10 sano ka hor

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduudka Mandheera ee Soomaaliya ay la wadaagto, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xuduudda labada dal iyo la-dagaallanka badeecooyinka kotorobaanka ah ee aan la ogoleyn.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xuduuda aagga Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gaba-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ayaa sheegay in dib u furista goobta laga gudbo ay wax badan ka badali doonto ammaanka xuduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq-dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

“Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan ​​hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kastamka, socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha oo ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xuduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta,” ayuu yiri wasiir Kindiki.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan soohdimaha rasmiga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012-kii, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab oo ka carootay howlgalka ay ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera iyo marinadii Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

Xiritaankaas ayaan dadka safarka ah ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab kotorobaan ah u dhoofiyaan gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Kenya ayaa cadeeyey in qorshaha lagu furayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya uu u wakiishay kooxda amniga ee Kowntiga, kuwaas oo soo ogaanaya, kana hor-tegi doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubeysan ee ku dhuumaaleysta aagga xuduuda labada dal.

“Waxaan farayaa kooxda amniga ee Kowntiga in ay la fariistaan ​​madaxda siyaasadda iyo odayaasha qorshe ay hagi doonaan madaxda bulshada iyo odayaasha, si looga sifeeyo maleeshiyada hubeysan ee Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Amniga Kenya Mr. Kindiki.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay hogaamiyayaasha la doortay ee Mandheera iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in odayaasha ay ka qeyb qaataan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Shantii sano ee la soo dhaafay, gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weerarro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ay ka fulisay gobolkaas ayaa Jaamacadda Gaarisa ka dhacay sanadkii 2015-kii, waxaana lagu dilay ugu yaraan 150 qof oo arday u badnaa. 

Kooxda Al-Shabaab oo fadhigeeda ugu weyn uu yahay Soomaaliya ayaa gudaha Kenya dhaqdhaqaaqyo ka waday tan iyo sannadkii 2011-kii, xiligaas oo ciidanka Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxayna markii dambe ku biireen howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika (ATMIS).