Sawirro: Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray 150 askari iyo qorshaha laga leeyahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee ciidamada booliska Jubbaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo booliska sida gaarka ah u tababaran.

Ciidamadan ayaa gaaraya 150 askari, waxaana tababarka loogu soo xiray Akadeemiyada ciidanka booliska Jubbaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala-galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee howl-galka ka dhanka ah ay wadaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howl-galada bilowday ay sii socon doonaan, islamarkaan laga xorayn doono dhamaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale waqtiyada dhow, sida uu sheegay.

“Ciidamadan waxay ka howl-gali doonaan dhamaan deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Khawaariijta ah ee Al-Shabaab, waxayna kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri.

Howl-galka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa illaa hada lagu xoreeyay deegaanada Aw-qumbaale, Shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa-Cabdalle, iyada oo ciidamadan ay durba ka howl-gali doonan deegaanadaas la xoreeyay.