ATMIS oo ka qoomameysay dilkii ka dhacay Ceel-gaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saaray dil ay Jimcihii askar ka mid ah kuwooda ay ka geysteen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka ayaa waxaa laba xabadood ku dhuftay askari ka tirsan ciidanka ATMIS oo la socday kulanyo mareysay halkaasi.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay dilkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxayna shaaca ka qaaday inay ka qoomamayneyso falkaasi.

“Hawlgalka ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ATMIS.

Taliska oo sidoo kale sharraxaad ka bixiyay sida uu u dhacay dilka ayaa shaaca ka qaaday in inta la dilin marxuumka uu wax kusoo tuuray kolonyada, kadibna uu isku dayay inuu soo fuulo, taasina keentay inay ka shakiyaan ciidamada, kadibna ay sidaas ku toogtaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, ayada oo ku baaqday in deganaan la muujiyo inta uu ka soo dhamaanayo dabagalka.

“ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa markale lagu yiri.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa ka dhashay banaanbax ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.

Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.