Sheekh Aadan Madoobe oo xiriir la sameeyay dhiggiisa dalka TURKIGA + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah wuxuu la sameeyay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop.

Labada guddoomiye ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah oo diirradda lagu saaray xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal, iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga xoogan ee ay haatan leeyihiin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, maadaama ay dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaas oo ay ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ma’aha wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan guddoomiyeyaasha Baarlamaanada ee dalalka Soomaaliya & Turkiga, ayaga oo horay uga wada-hadlay xiriirka ka wada dhexeeya.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee caawiya Soomaaliya, wuxuuna si u dhow u taageeraa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka oo uu ku jiro Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay dowladda dalka Turkiga ay Soomaaliya ka taageertaa dhanka howlgallada milatariga, ayada oo tababarta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, wadahadalkan ay yeesheen guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalkaas Mustafa Şentop ayaa kusoo aaday, xilli ay dalka ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga oo hawada ka taageereysa ciidamada Soomaaliya.