Abiy oo kulankii u horreeyay la yeeshay madaxda TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia Mudane Abiy Axmed ayaa Jimcihii wad-hadalkii ugu horreeyay ee foolka fool ah la yeeshay madaxda Tigrayga tan iyo markii uu qalinka ku duugay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal laba sano socday, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Kulankan oo si aad ah loo hadal ayaa ku soo aaday qiyaastii saddex bilood kadib tan iyo markii xukuumadda iyo TPLF ay kala saxiixdeen heshiis lagu joojinayo colaadda.

Sida ay ilo wareedyadu sheegayaan kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay goob lagu nasto oo ku taalla koonfurta dalka Ethiopia, halkaas oo ay isku arkeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Abiy iyo xubnaha uu la kulmay oo uu ka mid yahay Getachu Reda ay falanqeeyeen heshiiska labada dhinac ee lagu soo gardaadiyay dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya, kaas oo ugu dambeyn keenay in wadahadalladu ay guuleystaan.

Labada dhinac ayaa si gaar ah u eegay mowduucyada u baahan in il gaar ah lagu eego, si looga mira-dhaliyo dadaallada nabadda ee waddanka Ethiopia.

Heshiiska labada dhinac oo la saxiixay Noofambar 12-keedii ayaa waxaa ku jirtay hub ka dhigista TPLF, taas oo ugu dambeyntii dhaqan gashay iyo sidoo kale bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray.

Si kastaba, colaadda oo ka soo gudubtay dhulka Tigray ayaa gaartay gobollada ay dariska yihiin ee Axmaarada iyo Canfarta, waxaana ku dhintay kumannaan qof, malaayiin kalena ka barakicisay guryahoodii, halka boqolaal kuna ay qarka u saaran macaluul daran, kuwaas oo ay haatan dowlada Itoobiya heshiiska kadib u fasaxday in loo geeyo gargaar bini’aadanimo.