Booliska Muqdisho oo soo bandhigay nin ‘gaangis ah’ oo loo haysto dambiyo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ka howlgala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu xalay Toorey ku dilay nin lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, ninkaan ayaa ka mid ahaa waxa loogu yeeray ‘gaangiska’ dadka dhaca, wuxuuna teleefankiisii gacanta ka qaatay ninkii uu dilay xalay.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay eedeysane kamid ah Kooxda Gaangiska ah oo xalay degmada Kaaraan ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacqabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle, isaga oo ku dilay toorey, kadibna ka qaatay teleefankiisii gacanta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa qoraalkaan ku sheegay inay ka go’antahay in caasimadda Muqdisho iyo deegaannada kale ee hoos yimaada laga ciribtiro dadka ku howlan  amniga darrada iyo dhibaateynta bulshada, sida burcadda hubaysan, ciyaal-weerada iyo argagixisada.

“Ciidanka ayaa isagoo baxsad ahaa ka qabtay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Degmada, waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda Ciidamada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Maalmihii lasoo dhaafay booliska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay rag badan oo loo heysto tuugnimo iyo dilal ay geysteen, tallaabadaas oo aad ay u amaanayaan dadka reer Muqdisho oo dhibane u ah, amni darrada hareysay magaalada.

Tuugada dhaca u geystada dadka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, balse booliska ayaa si joogto ah u baacsada, balse weli mayaraanin oo dadka si joogto ah ayaa loo dhacaa, loona dilaa.

Dadka reer Muqdisho ayaa mudo dheer dhibane u soo ahaa tuugada agabka ka furata, marar qaarna disha iyo argagixisada oo dil iyo qarax isugu darta kuwooda hal-doorka ah, balse hadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha amniga ayaa si joogto wacad ugu mara in amniga Muqdisho ay wax badan ka qabanayaan.

Hada waxaa magaalada ka yaraaday qaraxyadii, meelaha qaar waxaa ka socda baaritaano ay sameynayaan hey’adaha ammaanka, halka xaafadaha qaarna lagu baacsado tuugada iyo cid kasta oo loo arko inay mniga wax u dhimeyso.

Waxaa xusid mudan in meelaha xasaasi ah ee ugu muhiimsan magaalada lagu daadiyey ciidan Dharcad ah, si dhaqdhaqaaqa bulshada ay ula socdaan, amni darradana ay uga hor tagaan.