Daawo: Xamza oo sheegay 2 arrin oo uu aad u dhibsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka hadlay nidaamka qabaliga ah ee xilalka lagu qeybsado, isagoo sheegay inuu aad u dhibsaday hanaanka ay hadda wax u qeybsadaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sidaan ay ka wanaagsan tahay in qof kasta lagu qiimeeyo aqoontiisa oo qabiilkiisa aan loo fiirin.

Hadii taasi ay suurta-gasho wuxuu sheegay inay dhici doonto in la arki doono laba qof oo walaalo ah oo aqoontooda ku gaaray heerar sare oo hadda aysan suurtagal aheyn inay dhacdo, maadaama 4.5 wax lagu qeybsado.

“Nidaamka xukunka ee aan wax ku qeyb-sano waa in aan iska saxno, runtii layaab ayuu leeyahay nidaamkaan, laba qof oo walaalo ah hadii ay tartan galaan oo guuleystaan waa in aan lala yaabin, waa in laba walaal ay xafiis wada fariisa karaan,” ayuu yiri Xamza Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Taliyaha booliska Soomaaliya loo magacaabay sarkaal isaga ku heyb ah, taas oo hadal-heyn iyo guux badan abuurtay.

“Waa in nidaamkaan 4.5 ah aan k baxaa, waa in Xildhibaanka laga daayo cadaadiska oo aqoon lagu raadiyo jagooyinka dowliga ah, sida aan isku xukumeyno markii aan iska saxno ayey cadaaladu imaan doontaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday musuq maasuqa lagu sheego Soomaalida, iyadoo dhawaan uu dalkeenu kaalimaha ugu horeeya ka galay qiimeynta dalalka ugu musuqa badan dunida.

“Waxaa musuqa looga saari karaa dadkeena in la fahamsiiyo dowladnimada, musuqu wuxuu noqday Soomaalida meheradeeda, meel kasta ayuu ka jiraa, marka wax yaabo badan ayaa saxid nooga baahan,”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Hoos ka daawo