CC Shakuur oo si aan la fileyn u dhigay shirkii Muqdisho ee madaxda dalalka safka hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer kasoo saaray shirkii Arbacadii ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in shirkan uu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, islamarkaana ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagixisada ka dhanka ah.

“Waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa iskula xiriiriyay dhacdooyin dhacay 2005 illaa 2007-dii, kuwaasi oo iftiiminaya halka ay taagan tahay Soomaaliya iyo meesha ay ka imaatay.

Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ayaa waxa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa howl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, ayada oo madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran.

Sanadkii 2005, Nairobi oo xilligaa fadhi u ahayd Baarlamaankii KMG ahaa ee Dawladda Federaalka, ayey Xildhibaannadii kuraasta isla dhaceen kadib markii ay isku khilaafeen in Soomaaliya la geeyo ciidan ka socda dalalka safka hore, waxaa xilligaa si gaar ah loo diiddaanaa Itoobiya.

17 sano ka dib dawladihii safka hore ayaa maanta Muqdisho ku shiraya, iyagoo gurmad ciidan iyo guluf colaadeed looga rabo dagaalka argagexisada Al-Shabaab ka dhanka ah.

Xilliga kuraasta la isla dhacayo dooddu waxay ahayd derisku dano toos ah oo afsaar ah ayey dalkeena ka leeyihiin, sidaas darteed laguma kalsoonaan karo, halka doodda deriska ay ahayd in halista amni darrida Soomaaliya ay iyaga toos u taabanayso, waxayse ku dhamaatay in safka hore laga reebo oo Uganda, Burundi iyo Sierra Leone la keeno.

Sanadkii 2006, markii ay guuldaraysteen wadahaladii Midowgii Maxkamadaha iyo Dawladdii KMG ahayd, saraakiil ka tirsan Maxkamadaha ay farriimo hanjabaad ah Itoobiya warbaahinta u mariyay, durba Itoobiya hadalkii bay la booday, waxayna ku marmarsiyootay in halistii amni ay durba dig soo tiri, iyadoo taageero caalami ah wadata ayey cagta marisay Maxkamadihii.

Sanadkii 2007, markii la aasaasay Isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya, kooxda Al-Shabaab ayaa gooni isku taagtay, kadib weerarro iyo afduub ay gudaha iyo xadka Kenya ka gaysteen, Kenya oo iyaduna ku doodaysa in ay Soomaaliya halis amni kaga imaanayso ayaa sanadkii 2011 gudaha u soo gashay waddanka.

Dawladihii xilka iskaga danbeeyey ayaa Kenya iyo Itoobiya u oggolaaday in ay AMISOM ka mid noqdaan, Jabuutina way ku soo biirtay, maadaama aysan ka maqnaan karin, mar haddii dawlidihii kale ay Soomaaliya galeen.

Maraykan oo hor kacayey taageerada caalamiga iyo Itoobiya oo hawlgalka gudaha wadday, labaduba ma inkirsana in faragelintii iyo duullaankii Itoobiya uu qayb wayn ku lahaa soo ifbaxa iyo kobaca kooxda Al-Shabaab.

Dhinac waa ka ayaan dari oo ah in dawladihii aan la tartami lahayn, kulana loollami lahayn hoggaanka Geeska Afrika ay maanta gurmad ciidan inoo yihiin, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa

“Lax waliba shillinkii ay is dhigtaa lagu gawracaa”!!

Dhinaca kale, yididdiilo ayaa muuqata maadaama shirka uu Muqdisho ka dhacayo, taasoo ka dhigan in dawladu Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, iyaduna marti gelinta, ajandaha iyo hoggaanka shirka leedahay, ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagexisada ka dhanka ah, waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro.

Taasi waa jebinta qandhada cudurka oo ah sidii aan isaga dulqaadi lahayn argagexisada arxan laawayaasha ah ee ina baday in aan ajnabi asaageen ah maciinsano?.

Waxaanse is moogaysiin iyo dhalanteed lagu dhaafi karin in aan dhab uga wada hadalno sababaha keenay cudurka asaageen naga reebay? Sideen qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, musuqa, eexda, qof jecylasiga iyo danaysiga shakhsiga ah uga bixi karnaa ama u dhimi karnaa?.

Wadajirna ugu duubannaa ka shaqaynta danta guud, saraynta sharciga iyo dhismaha dawlad loo siman yahay oo xaqsoor ku dhisan, taasoo ilaalisa xuquuqda muwaadinka, iyo danta qaranka