Shan arrimood oo haddii deg deg loo dhaqan-galiyo sii burburin doona Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab dhibaato uga weyn waayadan majirin shirkii culimada ee dhawaan Muqdisho kusoo idlaaday iyo kii Arbacadii ka dhacay isla Muqdisho ee u dhaxeeya afarta nin ee ugu sareysay dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale hoggaanka ciidamada ee afartaas waddan ayaa shiray, labadaas kulan midna fikir ahaan ayuu u dumiyay kooxda, midna ciidan ahaan ayaa la filayaa inuu u dhameystiro Al-Shabaab.

Halkan waxaa kusoo koobeyna shan arrimood oo ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dalalka safka hore isla qaateen oo haddii degdeg loo dhaqan-geliyo soo dadajin doonta gaba-gabada Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah;

1. Dagaalka dhowrka furin: Al-Shabaab waxay weli nasiimo ku haystaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxay taasi u sahashay inay u gurmadaan kooxdooda lagu ugaarsanayo Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore waxay isla qaateen in dhowr furimood lagu furo kooxda Al-Shabaab.

Haddii Koonfur Galbeed uu dagaalka ka billowdo, midka Jubbaland isagna uu si dhab ah u billowdo oo ay Ethiopia iyo Kenya caawiyaan ciidamada dagaalka ku jira, dhinaca Galmudug iyo HirShabelle uu dagaalka kasii socdo macnaheedu waa dhamaadka Al-Shabaab.

Afar maamul goboleed oo dagaal dhab ah kaga socdo oo ay ciidanka Midowga Afrika qeyb ka yihiin uma dulqaadan karto kooxda Al-Shabaab.

Qoddobkan wuxuu u baahan yahay dadajin.

2. Baxsadka Al-Shabaab iyo deriska: Maalmahan waxaa jiray warar sheegaya in caruurtooda iyo xaasaskooda ula cararaan dalalka deriska.

Qaar ayaa dhanka xuduudaha qarsoodi uga gudbaya, qaarna baasabooro ayay isku dayayaan inay helaan si ay dalal kale u galaan oo uga baxsadaan dagaalka socda.

Afarta dowladood waxay isku raaceen in aad loo adkeeyo xuduudaha oo la hor istaago firxadka kooxda Al-Shabaab.

Tani waxay laamaha socdaalka ee afarta dal fareysa baaris dheeri ah, waxayna sahli doonta in xubno badan oo Al-Shabaab ah ay sharciga isku dhiibaan iyaga iyo qoysaskooda.

3. Mideynta qorshaha la-dagaalanka argagixisada: Afarta dal ee Kenya, Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti qolo walba waxay leedahay nidaam gaar ah oo ay kula dirirto argagixisada.

Hadda waxaa lagu heshiiyay in afarta wadan fikirkooda iyo qorshooyinkooda la-dagaalanka argagixisada la mideeyo.

Taas waxaa ku jirta fursad ballaaran oo waxay dalalka heli doonaan xogo dheeri ah iyo xirfado cusub.

Waa arrin kale oo u baahan in dhaqso loo dabaqo si ay u guuleysto awooda sirdoon ee lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

4. Hubka iyo ciidanka Soomaaliya: Xili Al-Shabaab uu hubku gabaabsi ku yahay oo sidoo kale aanay heli karin dhaqaale badan oo hub kusoo iibsadaan in dhinaceeda kale ciidanka dowladda Soomaaliya la siiyo hub dheeri ah waxay xoojin doonta natiijada dagaalka.

Sidoo kale halkan waxaa ku hoos jirta in aad loola socdo kooxaha isku dayaya inay Al-Shabaab hub ka iibiyaan.

5. Barnaamijka xasilinta: Deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab weli lagama bilaabin dib u dejin, in dadku helaan gargaar, in lasoo celiyo adeegyadii bulshada, loona sameeyo maamulo ay aqbali karaan waxay sahli doonto in aanay Al-Shabaab dib ugu soo laaban dhulkii laga saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dalalka deriska waxay beesha caalamka weydiisteen in arrintaas laga caawiyo Soomaaliya.

In degdeg loo dabaqo barnaamijka xasilinta ee laga sameynayo deegaanadii laga saaray Al-Shabaab, waa tallaabo weyn oo si degdeg ah wax uga tari doonta natiijada dagaalka.