Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee weeraray xarunta gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale toddobaad gudihiis soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

Kooxda ayaa ninkaan 2-aad ee ay shaacisay inuu kamid yahay raggii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani).

Cabdi-Qani ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu kooxda kusoo biiray horaantii 2015-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan Makaahiil Cumar Mataan.

“Wax naxariis ah oo aan idin galeyno majirto, xataa ahow kan aabaheen dhalay mar hadda safkaas gashay ku dhaafi mayno. Anaga magaalo uma dagaalano hada ku faaneysan magaalo ayaa qabsanay,” ayuu ku yiri wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

Isniintii ayay aheyd markii ay kooxda soo bandhigtay ninkii 1-aad ee kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Yaxye ayaa sida uu sheegay kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

22-ka bishii hore ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, wuxuuna weerarkaas ku soo aaday, xilli muddooyinkii dambe ay kooxda culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobolada dalka.