25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Sawirro: Maxaa looga hadlay kullankii hay’adaha Turkiga & DF ee Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay hey’adda gargaarka Caalamiga u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda ay hey’addaasi ka fuliso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Shahaado sharaf guddoon siiyey hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Turkiga oo adeegyo kala duwan oo isugu jira Caafmaad iyo horumarin ka fulisay gudaha dalka kaddib kulan uu Muqdisho kula yeeshay mas’uuliyiinta sarre hey’addaasi, iyadoo kulankaasi looga hadlay sida ay ku xoojin lahaayeen howlaha gurmad ee ay ka wadaan dalka, ugana dadaalka iyo horumarka ay hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka walaalaha Turkiga ka wadaan Soomaaliya, gaar caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaailiya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, waxa uu u sheegay in u jeedada shahaaddo guddoonsiinta hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ay tahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsan yihiin waxqabadka ballaaran ee ay hey’addaasi ka waddo dalkeenna Soomaaliya.

Hey’adda Laanqeyrta Cas ee waddan Turkiga ayaa ka mid ah hey’adaha badan ee ka socda dalkaasi, kuna sugan dalkeenna Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo hey’adaha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ku suganna ay yihiin hey’ado fulinaya gurmadka dowladdaasi ay Soomaaliya u fidisay tan iyo 19 August markii uu Soomaaliya yimid Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

tika 1tika 2tika 3tika 4tika 5tika 6tika 7

- Advertisement -

Read more

Local News