25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

SAWIRRO: Waddooyinka iyo Guryaha Xamar oo cinwaanno loo sameyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shalay hirgaliyay Mashruuc ciwaanno loogu sameynayo Waddooyinka iyo Guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa si rasmi ah u bilaabay Mashruucaan lagu nambareynayo dhamaan Guryaha ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir, islamarkaana Magacyo loogu sameeynayo Jidadka.

Mashruucaan oo ay fulin doonaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa waxaa soo abaabulay oo diyaariyay Maamulka Banaadir.

cin1Mashruucaan oo ah tillaabo Hormar leh ayaa waxey kamid tahay Isbadalka naqshada Caasimada, siduu sheegay Afhayeenka Maamulka Banaadir.

Ciise Maxamud Xalane oo Madax ka ah Mashruuca ayaa yiri “Tani waa qaabka Jideynta, magac u sameynta guryaha ku yaalla Gobolka, waana tallaabo lagu ogaan karo horumarka dalka, marka waxaan leeyahay qofkasta haka qeyb qaato”

cin2Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Qorshahan ku tilmaamay “Mashruuc Taariikhi ah” oo Nolosha Caasimada dib usoo celinayo.

Munaasabad lagu daah-rogayay mashruuca oo ay ka qeyb-galeen maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay xarunta gobolka ee magaalada Muqdisho.

Isha: KON

- Advertisement -

Read more

Local News