Diblomaasi Soomaali ah oo maalintii 4-aad u xiran dowladda Kenya, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho waxgarad iyo masuuliyiin si weyn u cambaareeyey xarig ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya kula kaceen diblomaasi ka tirsanaa safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo ahaa madaxii Brotokolka safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa maalintii 4aad u xiran Ciidanka argagixiso la dagaalanka dalka Kenya oo su’aalo ka weydiinaya tuhun la xiriira inuu ku lug lahaa qarax dhowaan ka dhacay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin xariga Ilyaas Yuusuf Warsame ay kula kaceen ciidamada Kenya.

Ilyaas Yuusuf Warsame waa nin la yaqaano ma ahan argagaixiso, qaraxna shuqul kuma lahan, xariga ciidamada KENYA kula kaceena waa qalad isagoo heysta baasaboor diblomaasi ah” ayuu yiri C/kaafi.

Gudoomiyaha golaha bulshada rayidka degaanada Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax ayaa isna sheegay in xariga loo geystay Ilyaas Yuusuf Warsame uu ahaa mid laga shaqeeyey

“Waxaa xarigiisa ka dambeeya oo soo abaabulay shirqoolkana u dhigay shaqsiyaad ka tirsan safaarada Soomaalida ee Kenya oo doonaya iney ka kiciyaan jagada uu safaarada ka hayo si ay ugu bedeshaan dad kale oo ay iyagu wataan” ayuu yiri Muxyadiin Xasan Afrax.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankan nabadoono ay ka mid ahaayeen Garaad Cagey, Nabadoon Qaloosh, iyo Nabadoon Axmed Degoole oo dowlada Somalia ugu baaqay iney wax qabato xariga ciidamada Kenya kula kaceen Ilyaas Yuusuf Warsame.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com