Calanka maamulka lixda gobal oo lagu daah rogay magaalada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday xaflad lagu soo bandhigayay calanka uu yeelanayo maamul loo sameenaay lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeedka dalka.

Cabdulaahi Maxamed Idiris Lasta,oo ka mid ah howlwadeenada shirka Baydhabo ayaa VOA u sheegay in maanta la soo bandhigay calan uu yeelanaayo maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Mar uu sharraxaad ka bixiyay nooca calanka uu yahay.

Wuxuu yiri “Calanku wuxuu ka kooban yahay seddax Kallar oo kala ah Buluug, Guduud iyo Cagaar,  Buluuga waxa ay muujineysaa nabad, Guduudku wuu ka turjumayaa in aanu nahay dad xoolaha iyo beeraha ku fiican cagaarka wuxuu ka turjumayaa nabadda iyo barwaaqada, waxaa kaloo ku jira lix xidig oo ah lix gobal” ayuu yiri Lasta.

Sarkaalkan ayaa sheegay in maalintii shaley ay hirgaliyeen dastuurka uu ku shaqeenaayo maamulka lixda gobal kaasoo ka kooban 114 qoddob.

Mar la weydiiyay shir kale oo ka furmay Baydhabo oo looga arrinsanaayo maamul seddax gobal?

Wuxuu beeniyay in wax shir ah uu ka furmay magaalada Baydhabo, mana jirto ayuu yiri shir ka furmay Baydhabo.

Shirka Baydhabo ee loo sameenaayo lixda gobal waa loo wada dhan yahay ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com