Sawirro: Wafdi culus oo ka socda Turkiga oo maanta Muqdisho yimid + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta doo gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo uu horkacayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda caddaaladda ee dalka Turkiga, Niyazi Acar.

Wasiir Niyazi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliye Xasan Macallin Maxamuud.

Soo dhaweynta wafdigan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir ku-xigeenka caddaaladda Turkiga Niyazi Acar ayaa wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya uga mahad-celiyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Labada wasiir ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada-hadlayaan ajendayaal dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga. Iyada oo wafdigaan dalka ku yimid casuumaad uu wasiirka u fidiya.

Shalay ayay aheyd markii uu magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu yimd madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Turkiga Ibraahim Kalin, oo isla shalay la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyada bani’aadanimada iyo milatariga, isaga oo tababaro siiyo ciidamada xoogga dalka, kana taageera howl-gallada socda dhanka cirka.