Sawirro: Wafdi heer wasiir ah oo ka socda DF oo maanta gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada Soomaaliya.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax xiriir ah la lahayn maamulka Jubaland, ayada oo madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.