Sawirro: Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Baledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaaray Wafdi uu horkacaayay Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumada Somalia Saciid Jaamac Qoorsheel.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Xubno ka tirsanaa wasaaradiisa Agaasimaha guud wasaaradda iyo maareeye ku-xigeenka duulista iyo, duuliye diyaaradeed, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba Saraakiisha ciidamada AMISOM ee Jabuuti.

Soo dhaweyn kadib Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay kormeeren qeybaha uu garoonka ka kooban yahay, isagoona loo sharaxay waxyaabaha uu u baahan yahay garoonka in lagu dayactiro qalab iyo dhaqaalaba.

Sidoo kale, Cabdifataax Xasan Afrax  oo ah Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in Gobolka Hiiraan uu yahay Barwaaqo islamarkaana Dowlada looga baahan yahay inay dib usoo celiso ilaha dhaqaale.

Waxa uu sheegay in Booqashada Wasiirka iyo Wafdigiisa ay noqon doonto mid wax weyn ka tarta dib u soo nooleynta dhamaanba adeegyadii garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Dhanka kale, Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo magaalada Beledweyne waxa uuna tilmaamay in booqashadiisu ay noqon doonto mid waxbadan ka bedesha Garoonka Diyaaradaha.

Waxa uu ballan qaaday inuu isbedel ku sameyn doono garoonka islamarkaana ay si kumeel gaar ah u dayactirayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com 

DAAWO SAWIRADDA

????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ????????????? ?????????????