Ismaaciil Cumar GEELLE oo 10 daqiiqo ku baxsaday, ayadoo toogasho ay ka…

Djibouti (Caasimada Online) – Gelinkii danbe ee Isniinta 25-August,2014 ayaa waxa ay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, xili uu kasoo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor toogashada Geelle

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgaliyada Madaxweynaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay , isaga oo dhaawacay laba qof.

Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacmay ayaa ah Dr Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada jamhuuriga ah, isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.

Waxa uu sheegay in xaaladdu ahaan lahayd mid halis ah, haddii toogashadu  ay dhici lahayd, xilligii Geelle uu garoonka ku sugnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com