Xog: Maxaad kala socotaa qorshaha ay wasiirada DFS u jogaan KISMAAYO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in wadooyinka Magaaladaasi ay xiran yihiin, iyadoona wadooyinka lasoo dhoobay Boqolaal Ciidamo ka tirsan Raaskambooni iyo kuwa Dowlada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku sugan yihiin Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka DF.

Dowlada Federaalka ayan weli ka warbixin socdaalka uu halkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Labada wasiir lagu amray inay gaaran Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Diblumaasiyiin ka socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Lama shaacin Ujeedka Wasiirada ay halkaasi u gaareen balse waxaa la sheegaya in socdaalkooda uu yahay mid lagu soo afjaraayo Khilaafyo yar oo ka dhex taagan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka KMG Jubba oo aan iyagu u hogaansaneyn Amarada Wasaarada.

Dhanka kale, Madaxda Maamulka KMG Jubba iyo Saraakiishooda, ayaa iyagu ka soo horjeeda in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya laga saaro Magaalada Kismaayo, taasi oo ay ka dhalatay Khilaafyo aan dhamaad laheyn oo ka dhex taagan DF iyo Maamulka KMG Jubba.

La soco wixii Faah-Faahin ah wararkeena dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com