25.6 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Sawirro: Wafdi sare oo ka socda Mareykanka oo soo gaaray Hargeysa + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wafdigan ayaa waxa hoggaaminayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxa ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley, saraakiil sar-sare oo ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo diblomaasiyiin culus.

“Xukuumadda Somaliland waxaa sharaf u ah in ay marti-geliso wefti heer sare ah oo ka socday dalka Maraykanka oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo difaaca u dhexeeya labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Labada dhinac waxa ay ka wada-hadleen arrimo wax-ku-ool ah oo muhimmad gaar ah u leh labada dal, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca.

Booqashada ay wafdiga Mareykanku ku yimaadeen Hargeysa ayey Madaxtooyadda Somaliland ku sheegtay mid muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta difaaca, amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxa ay si weyn u soo dhaweysay socdaalka ay wafdiga ka socday dalka Mareykanku ay ku tageen magaalo-xeebeedka istaraatiijiga ah ee Berbera, si ay u qiimeeyaan tayada kaabayaasha lagama maarmaanka u ah xoojinta awoodda amniga iyo difaaca, maadaama dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida mandaqadda.

“Dawladda Somaliland waxa ay si weyn ugu mahad-naqaysaa danaynta Dawladda Maraykanka iyo hagar baxa ay la garab taagan tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Somaliland ayaa xaqiijisay inay adkaynayso in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada dhinac, oo haatan muhiimad gaar ah u leh Maamulka Somaliland.





















- Advertisement -

Read more

Local News