Sawirro: Wajiga labaad ee shirka K/Galbeed oo furmay

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imanaya afar maalin kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka uu soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb-galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale gaba-gabadii shirkaas kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la-dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Shirka dib-u-heshiisiinta oo 17-kii bishii hore ka furmay Baydhabo ayaa waxaa lagu waday in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana muuqata in waqti dheeri ah loo baahday si loogu guuleysto heshiis dhex-mara labada dhinac.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.