Sawirro: Wakiilka QM oo safarkiisii ugu horreeyey ku tagay magaalada Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

James Swan iyo wafdigiisa waxaa Puntland ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siciid Cabdullahi (Deni) oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo James Swan.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa” Ayuu yiri Deni.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey in ay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin doorka ay ka qaadanayaan nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” ayuu yiri mar kale Madaxweynuhu.

Waa safarkii ugu horreeyay ee wakiilka cusub ee QM James Swan uu ku tagay Garowe, kaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com