Sawiro + Warbixin: Nolosha qoxootiga Soomaalida ee Libya iyo Lampedusa

Roma (Caasimada Online)-Warbixinno ay qoreyn labo gabdhood oo Soomaali Canadian ah, ayaa looga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Talyaaniga.

Sidda lagu sheegay warbixinta, waxaa loo yaqaana dhallintaas badda soo mara “Cayaalka Badda” waa hal ku dhig loo adeegsado dhallinyaradda Soomaalida ah ee doomaha ka soo raaca Waqooyiga Afrika.

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe, Soomaaliya waxa ay noqotay dalka labaad ee ugu qoxootiga badan caalamka.

Qaar badan oo dadkaas waxa ay galaan safar khatar badan oo mararka qaar nasadooda ayey ku waayaan oo waaba ay dhintaan inta ku jiraan safarkaas.

Dadkaas doomo aan la isku aamini karin ayey ka raacaan Waqooyiga Afrika iyadoo ku gaara koonfurta Yurub si ay u helaan nolal dhaanta tii ay ka tagayn.

Haddaba dadkaas markii ay tagaan Talyaaniga, waxaa laga qaadaa baaritaan oo farta ayaa laga calaameeyaa oo dal kale ama aadi karaan maadama ay qoxooti yihiin.

Sharciga Dublin II ayaa dhigaya qofka dalka uu marka ku soo galo qoxootinimo ayaa ku nagaanayaa oo dalka ma aadi karo, oo dad badan ayaa markaas suga in loo oggolaado waddan kale.

Deeqa waxay fadhidaa meel banaanka ka ag gurrigeeda KMG ah ee ku yaalla Hotelka Frosinone ee dalka Talyaaniga.
Deeqa waxay fadhidaa meel banaanka ka ag gurrigeeda KMG ah ee ku yaalla Hotelka Frosinone ee dalka Talyaaniga.

Xasan waa maid ka mid ah dhallinyaro Soomaali ah oo qoxooti ku ah dalka Talyaaniga, wuxuu ka warbixiyay ayaa ka safarka khatar badan oo uu soo maray ka hor inta aanu immaan Talyaaniga, balse u jeedkiisu uu ahaa siddii uu ku soo  gaari lahaa Yurub.

“Muddo sagaal cisho ayaan ku soo jirnay safar khatar badan annagoo ah 104-qof xittaa maanan wadan cunto iyo biyo,” ayey yiri Xasan.

Safaaraddii horre ee Soomaaliya ee Talyaaniga oo ay hooy u ahayd in ka badan 120 qoxooti ah
Safaaraddii horre ee Soomaaliya ee Talyaaniga oo ay hooy u ahayd in ka badan 120 qoxooti ah

Wuxuu ka mid yahay koox dhallinyaro Soomaali qoxoorti ah kuwaasoo ku sheekeesta banaanka horre makhaayad laga shaaxo, wuxuu bartay qayb ka mid ah luuqada Talyaaniga.

Wuxuu ka mid yahay dhallinyaro aad ugu hami weyn in uu abuurto sidda Soomaali badan oo qoxooti ah.

Wuxuu ka soo cararay dalkiisa oo labaatameeyso sanno dagaallo ka socday, isagoona qoyskiisa doonaya in ay ka baxaan saboolnimmada.

tagay qoyskiisa

“Waxaan ka soo tagay qoyskeyga si shaqo iyo waxoogaa nabad ah u helo,” siddaas Xasan ayaa yiri.

Deeqo waa 23-jir waxay sheegtay in ka mid tahay Soomaali qoxooti ah oo dalkooda ka soo cararay kuwaasoo ku nool dalka Talyaaniga.

Waxa ay sheegtay in ay soo martay dhibaato badan intii ay ku soo jirtay safka badda,

“Waxan halkan ku arkay dhallinyaro badan oo gabdho iyo wiilal kuwaasoo khatar badan soo galay, halkan dhaqaale badan ma yaallaan”

Inta badan cayaalka badda waa kuwa doomo ka soo raacay Libya kaddibna soo gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, dhammaan waa kuwa is yaqaana waa kuwa isku dhow.

“Waxaa nahay  Soomaaliya, oo waan isla hadlnaa, waayo dhammaan waxaan soo wajahnay halgan,” siddaas waxaa tiri Deeqa.

Waraysi lala yeeshay Md Xasan Sheekh
Waraysi lala yeeshay Md Xasan Sheekh

Haddaba Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ooo tagay Talyaaniga isagoo safar ku marayay Yurub, ayaa la weydiiyay bal wax yaabaha ay kala socdaan Soomaalida qoxootiga ku ah Talyaaniga.

Wuxuu u sheegay wariyaasha diyaariyay warbixintan in qoxootiga Soomaalida ay heesato dhib weyn haddii ay ku nool yihiin Afrika ama Yurub, Wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala hadlay siddii loo caawin lahaa Soomaalida.

Wuxuu sheegay in ay wadaan in la diiwaangaliyay hal Milyan oo qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool Kenya, Ethiopia, Djibouti, iyo Yemen.”

W/D: Caa’isha Saciid iyo Rowda Saciidoo ah Soomaali Canidiyan

Turjumaada waxaa leh Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com