Daawo sawirrada: Wasiir Odowaa oo Cadaado ka sameeyey arrin halisteeda leh kadib markii…

Cadaado (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay magaalada Cadaado oo ay isugu yimaadeen xubno katirsan odayaasha dhaqanka eek u xareysan xarunta Kafaalo kuwaasoo ka mid ah odayaasha beelaha gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa waxa ay ku eedeeyeen wasaaardda arrimaha gudaha iyo federaalka inay faragelin qaawan ku heyso habka wax qeybsiga beelaha gaar ahaan iyadoo wasaaraddu si aan sharci aheyn u bedeshay xubno odayaal ah oo horay u xareysnaa.

Nabadoon Nuur Kheyre Guutaale oo warbaahinta kula ahdlay magaalada cadaado ayaa sheegay in wasaaraddu aanay awood u laheyn inay oday dhaqameed beeshiisu xareysatay oo muddo ku dhow bil xareysnaa ay banaanka usoo saarto iyadoo ku bedeshay oday dhaqameed kale kaasoo si musuq maasuq ah loogu xareeyay qaar katirsan musharixiinta u taagan xilka madaxweyne_nimo.

Maxamed jamaac Dirir Taano Gooste ayaa u sheegay dowladda Soomaaliya in cawaaqim xumad ka dhalata arintaasi ay mas’uul ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya taasoo ka wada gobolka iska hor keen dhanka beelaha ah.

Ugaas Daahir Mire Cali ayaa dhankiisa tilmaamay in waxa isugu yimid degmada Cadaado ay yihiin beelo walaalo ah oo doonaya inay maamul dhistaan hase ahaatee eysan jirin qabiil loo gaari karo go’aankiisa iyadoo loo adegsanayo arrimo siyaasadeed habka maamul u dhisida iyo dib u heshiissinta dadka dega gobollada Mudug iyo galguduud.

Wasaardda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa iyo gudiga farsamada ayaa horay dhowr jeer loogu eedeeyay inay farogelin qaawan ku hayaan habka wax qeybsiga beelaha iyo musuq maasuq la xiriira hwolahooda taasoo ay ku eedeen musharixiinta qaarkood iyo odayaasha beelaha.

11291993_838661506213352_1578727617_n 11270098_838661496213353_299357684_n 11287416_838661509546685_820078901_n 11291939_838661499546686_5258002_n

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com