Ceydiid Ilko Xanaf, Axmed Cali Daahir iyo Axmed Cawad oo digniin siiyay general Bashiir Goobe

Muqdisho (Caasimada Online)- Saraakiisha ugu sareyso maxkamada sare ee dalka, xeer ilaalinta qaranka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin isku mid ah siiyay taliyaha cusub ee ciidamada asluubta dowlada Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac Goobe.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilko Xanaf ayaa digniinta ugu daran siiyay Bashiir Goobe, isaga oo sheegay inaan xil kale lagu aamini doonin Bashiir Goobe.

“Bashiir haddii aadan wax ka qaban dhibaatada heysta maxaabiista ogow xil kale oo qaran inaan laguugu aamineyn”sidaasi ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa digniin u diray Bashiir Goobe isagoo sheegay iney ka warhayaan in xabsiyada dowlada Soomaaliya dadka ku jiro ay la kulmaan ciqaab adag oo ciidamada ay u geystaan.

“Waxaan ognahay in maxaabiista lagu dhibaateeyo xabsiyada waliba ciqaab adaag, waxaan Bashiir ku leeyahay waa inaad arimahaasi wax ka qabataa, haddii aadan ka qaban karina xilkaan aad iska dhigtaa”ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Ugu dambeyn ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Axmed Cabdalle Cawad oo isna ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynayay Bashiir goobe ayaa fariin u diray taliyaha ciidamada Asluubta, wuxuuna kula dardaarmay inuu wax ka qabtaa dhamaan cabashooyinka loo gudbiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com