26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Wasiirka arrimaha dibedda dalka Eritrea iyo wafti soo gaaray XAMAR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasomada Somalia soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eriterea.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax, waxaana kamid ah xubno diplumaasiyiin ah.

Wafdigaani ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumadda Somalia Axmed Ciise Cawad.

Safarka Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax iyo xubnaha wehlinaaya ayaa shir uu albaabada u xiran yahay la qaadan doona Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre.

Safarka Wafdiga ka socda Eriterea ku yimid magaalada Muqdisho ayaa daba socda socdaal dhawaan uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood,waxaana wafdigan hordhac u yihiin Wafuud kale oo Eriteriyaan ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax, ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaan doono muddo laba casho waa hadii aanu wax isbedelin waxaana kamid ah qorshihiisa safar arrimaha Safaarada iyo hirgalinta Heshiisyada ay wada galeen labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News