Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo kulamo ka wada Munich

Munich (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Munich ee dalka Jarmalka, halkaasi oo uu uga qeyb-galayo Shirka Amniga Munich.

Wasiirka ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Finland Pekka Haavisto oo ay ka wada-hadleen taageerada Finland ay siiso Soomaaliya iyo hababka lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS iyo arrimaha amniga gobolka.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faysal bin Farhan, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo siyaasadda quseysa labada dal.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Sacuudiga ee arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Wasiirkaa Arrimaha Dibedda Soomaaliya wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, oo ay ka wada hadleen sida sharaf darrada ah ee loola dhaqmo muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ka gudba xuduudaha Yurub, howlgalka ATMIS ee Soomaaliya iyo arrimaha ammaanka iyo siyaasadda.

Wasiir Cabdisaciid ayaa la filayaa inuu sii wado kulmadan oo uu la kulmo wasiiro dhowr ah, inta uu ku sugan yahay Munich.