Sawirro: Wayne Rooney oo xukun yaab leh lagu riday kadib markii uu qirtay inuu cabsanaa

Manchester (Caasimadda Online)– Kabtankii hore ee nulka Egland iyo Manchester United, Wayne Rooney ayaa muteystay ganaax ka mamnuucayo inuu kaxeeyo gaari mudo labo sanadood ah iyo in uu bulshada u shaqeeyo mudo 100 saacadood ah hal sano gudahood.

Amarkaan ayaa ka danbeeyay kadib markii saakay lasoo taagay maxkamadda Stockport Magistrates ee magaalada Manchester.

Wayne Rooney ayaa sidoo kale weyn doona mushaarka laba todobaad oo kooxda Everton ay dul dhigtay iyadoo tixgelineysa qaanuunka kooxda iyo amarka maxkamadda, wuxuuna lumin doonaa adduun lacageed oo dhan 320,000 oo Pound.31 jirkaan ayaa la x-ray maalintii 1 September kadib markii ay booliisku istaajiyeen gaarigiisa oo marayay Wilmslow, Cheshire, waxaana lagu helay inuu cabsanaa khamri, markii ay booliska baareena waxay ku heleen in xajmigii loogu talagalay in gaari lagu kaxeeyo uu ka badsaday, iyadoo markii danbe damiin lacageed lagu sii daayay.