Sawirro: Weerar ismiidaamin ah oo lagu dhamaaday oo ka dhacay suuq ku yaal Kabul

Kabul (Caasimada Online) –Qarax loo adeegsaday gaari ayaa saakay ka dhacay goob suuq saxmad badan oo ku yaal magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, waxaana ku naf waayay 35 qof, in ka badan 40 kalena waa ku dhaawacmeen.

Qof naftii hure ah ayaa gaari miineysan ku dhuftay gaari kale oo ay saarnaayeen dad shacab ah iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda macdanta sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan, Najib Danish.

Khasaare xooggan ee ka dhashay qaraxaan ayaa sabab u ah goobta oo aheyd meel saxmad badan , waxayna saraakiisha caafimaadka sheegeen inay ka cabsi qabaan in dhimashada ay kordhi doonto.

Madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa canbaareeyay weerarkan ugu danbeeyay.

Magaalada Kabul ayaa sanadkan waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah oo ay dad badan ku dhinteen waxaana qaraxyadan inta badan lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan kooxda Taliba iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islamka.

Municipality workers clean up at the site of a suicide attack in Kabul, Afghanistan, Monday, July 24, 2017. A suicide car bomb killed dozens of people as well as the bomber early Monday morning in a western neighborhood of Afghanistan’s capital where several prominent politicians reside, a government official said. (AP Photos/Massoud Hossaini)

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kabul
Caasimada@live.com