24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Weerar ka socda warshadda diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka bilowday banaanka xarunta Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee dowladda Turkiga.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku tilmaamay tan inay tahay “weerar argagixiso.”

Afar qof ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 14 oo kale, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Turkiga.

Hadaba waa maxay Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee Turkiga?

TAI waa shirkad dawladeed oo ku takhasustay hubka iyo tiknoolajiyada hawada ee dowladda Turkiga.

Warshadaan waxay ku taallaa Kahramankazan oo qiyaastii 28 KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya oo deg deg war uga soo saartay weerarkaan ayaa ka tacsiyeysay khasaaraha ka dhashay, iyadoo ku talisay in argagixisada oo ah khatar caalami ah meel looga soo wadajeesto.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada qaar ka mid ah ragga fuliyey weerarkaas oo kaamiradaha qarsoon ay qabteen iyagoo dagaalamaya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News