Sawirro: Weerar lagu qaaday Sinagoog ay Yahuuddu ku leeyihiin Manchester, UK

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Manchester (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii gaari lagu jiiray dad rayid ah, halka nin kalena lagu toogtay bannaanka sinagoog (Kaniisad Yahuud) ku taalla waqooyiga magaalada Manchester, sida ay sheegeen saraakiisha Boolisku.

Dhacdadan oo ku soo beegantay maalinta Yom Kippur, oo ah maalinta ugu muhiimsan jadwalka diimeed ee Yuhuudda, ayaa la sheegay inay soo afjarantay kaddib markii nin la aaminsan yahay inuu ahaa weeraryahanka ay toogteen ciidanka booliska.

“Waxaa la rumeysan yahay in dembiiluhu uu geeriyooday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin,” ayuu yiri duqa magaalada Greater Manchester, Andy Burnham.

Ninka weerarka gaystay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu xirnaa walxaha qarxa, balse arrintaasi weli faah-faahin dheeri ah lagama bixin.

Isagoo la hadlayay BBC Radio Manchester, Burnham wuxuu sheegay in hadda โ€œbulshada lagu wargelin karo in dhacdadu aysan sii socon oo aysan ahayn weerar weli socda.โ€

Qoraallo isdaba joog ah oo lagu faafiyay X (Twitter) ayay Booliska Greater Manchester ku sheegeen in abbaaro 9:30 subaxnimo ay heleen wicitaan ka yimid qof rayid ah, kaasi oo sheegay inuu arkay gaari lagu jiirsiinayo dad hortaagnaa sinagoogga Heaton Park Hebrew Congregation ee xaafadda Crumpsall, halkaas oo nin lagu tooreeyay.

Daqiiqado yar kadib, boolis hubaysan ayaa riday rasaas. โ€œNin ayaa la toogtay, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa weeraryahanka,โ€ ayay boolisku ku sheegeen bayaan.

Booliska ayaa intaas ku daray in saddex qof loo daaweynayo dhaawacyo ka dhashay labadaba gaari iyo tooreey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in lagu dhawaaqay โ€œPlatoโ€ โ€” eray sir ah oo ay booliska iyo adeegyada degdegga ahi adeegsadaan marka ay ka jawaabayaan weerar argagixiso oo socda. Si kastaba ha ahaatee, waxay caddeeyeen in aan weli loo aqoonsanayn fal argagixiso.

Raโ€™iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, oo ku sugan Copenhagen halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed Yurub ah, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay inuu โ€œsi weyn uga argagaxayโ€ weerarka.

โ€œXaqiiqda ah in weerarkan uu dhacay maalinta Yom Kippur, oo ah maalinta ugu barakada badan ee Yuhuudda, waxay ka dhigaysaa mid aad u foolxun,โ€ ayuu yiri Starmer.

Starmer ayaa dib ugu soo laabanaya London si uu u guddoomiyo kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha degdegga ee dowladda, COBRA.

Dhanka kale, Dave Rich oo ka tirsan Community Security Trust โ€” hayโ€™ad samafal oo dabagasha nacaybka ka dhanka ah Yuhuudda UK โ€” ayaa sheegay in Yom Kippur tahay maalinta ugu barakada badan sanadka Yuhuudda.

โ€œWaa maalin aad u xasilloon, sinagoog walbana dalka oo dhan wuu buuxsamaa maalintan,โ€ ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in mar kasta ay jirto โ€œhawlgal amni oo weynโ€ oo ay iska kaashadaan booliska iyo Trust-ku inta lagu jiro maalmaha waaweyn ee diinta Yuhuudda.

Manchester ayaa horey u martigelisay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Britain sanadihii dhowaa, markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday bandhigii fanaanadda Ariana Grande sanadkii 2017, taas oo lagu dilay 22 qof.

- Advertisement -

Read more

Local News