Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa xoojisay weerarka jawaabta ah ee ay ku qaaday Israel, ayada oo qaaday hirkii afaraad oo weeraro ah aroornimadii saaka oo Sabti ah kadib markii Israel fulisay weerarkeedii ugu ballaarnaa abid oo ka dhan ah Iran.
Dhowaqa digniinta duqeymaha ayaa laga maqlayey magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem –taasoo sababtay in dadku u cararaan xarumaha gabaadka, iyadoo gantaallo xiriir ah oo laga soo riday Iran ay cirka ku dul marayeen. Milatariga Israel ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay si buuxda u shaqaynayaan.
“Saacaddii ugu dambeysay, tobannaan gantaal ayaa laga soo riday Iran kuna socday Israel, qaar ka mid ahna waa la qabtay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Israel.
Ciidamadu waxay sheegeen in kooxaha gurmadka degdegga ah ay ka howlgaleen meelo kala duwan oo dalka ah oo la sheegay in gantaallo ku dhaceen, balse kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay.
Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay caasimadda Tehran. Warbaahinta Fars ayaa dhankeeda ku warrantay in laba madfac ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran, iyadoo warbaahinta maxalliga ahna ay soo weriyeen in dab ka kacay garoonkaas. Garoonkan ayaa u dhow xarumaha madaxda Iran, waana halka uu ku yaal saldhig ciidan oo ay ka howlgalaan diyaarado dagaal iyo kuwa xamuul.
Warbaahinta Israel ayaa ku warrantay in gantaal la tuhunsan yahay uu ku dhacay Tel Aviv, halka goobjooge Reuters uu sheegay inuu maqlay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Quddus. Ma cadda in arrintan ay ka dhalatay weerarro ay Iran qaaday ama tallaabo difaac ah oo ay Israel qaadday.
Fars ayaa sidoo kale sheegtay in Iran qaadday weerarro cirka ah oo xiriir ah Sabtidii, kaddib laba jeer oo ay gantaallo ridday habeenkii Jimcaha. Mid ka mid ah weerarradaas ayaa lala beegsaday Tel Aviv saacadaha hore ee Sabtida, iyadoo qaraxyo laga maqlay Quddus.
Weerarradan ayaa jawaab u ahaa duqeymo ay Israel qaaday waaberigii Jimcaha, kuwaas oo lala beegsaday taliyayaal sare, saynisyahanno nukliyeer, saldhigyo ciidan iyo xarumo nukliyeer ah. Iran waxay si joogto ah u beenisay in barnaamijkeeda nukliyeer uu yahay mid ciidan, iyadoo ku andacoonaysa in ujeeddadiisu tahay adeegyo rayid oo nabadeed.
Tel Aviv gudaheeda, dhismo dabaq sare ah ayaa la beegsaday, iyadoo qeybta hoose ee dhismuhu si xun u burburtay. Dhismo kale oo ku yaal xaafadda Ramat Gan oo agagaarka Tel Aviv ku taalla ayaa gabi ahaanba dumay.
Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israel ayaa sheegay in 70 qof ay ku dhaawacmeen fiidnimadii Jimcaha agagaarka Tel Aviv, badankoodna ay ahaayeen dhaawacyo fudud. Booliisku ayaa mar dambe xaqiijiyay in hal qof uu dhintay. Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay inuu jiro khasaare dhimasho oo badan balse Israel ay qarineyso.
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawiyeen soo ridista gantaallo Iran ka soo riday oo ku wajahnaa Israel. Ciidamada Israel ayaa dhankooda sheegay in Iran ridday wax ka yar 100 gantaal habeenkii Jimcaha, kuwaas oo intooda badan la qabtay ama aan gaarin bartilmaameedyadii loo socday. Si kastaba ha ahaatee, dhowr dhisme oo ku yaalla gudaha iyo agagaarka Tel Aviv ayaa la beegsaday.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Tehran ay ridday boqollaal gantaal riddo dheer ah kaddib markii Israel ay duqeysay xarunta weyn ee nukliyeerka Natanz isla markaana dishay saraakiil sare oo ciidan.
Mas’uuliyiin Israel ah ayaa sheegay in ay qaadan doonto waqti in si buuxda loo ogaado heerka burburka ee ka dhacay Natanz. Dalalka Reer Galbeedka ayaa muddo dheer ku eedeeyay Iran in ay ka shaqeynayso sifeynta uranium si heer hub ah, halkii ay ka ahaan lahayd mid u adeegta danaha rayidka.
Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku eedeeyay Israel in ay bilowday dagaal. Mas’uul sare oo Iran ah ayaa sheegay in aysan jirin meel Israel ka mid ah oo nabad noqon doonta, aargudashaduna ay noqon doonto mid aad u xanuun badan.
Danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, ayaa sheegay in 78 qof – oo ay ku jiraan saraakiil sare – ay ku dhinteen weerarradii Israel ka geysatay Iran, halka in ka badan 320 kalena ay ku dhaawacmeen, badankoodna ay yihiin dad rayid ah.
Wuxuu Mareykanka ku eedeeyay in uu si toos ah uga qayb qaatay weerarrada, isagoo sheegay in uu mas’uul ka yahay dhammaan cawaaqibta ka dhalata.
Danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sheegay in sirdoonku xaqiijiyay in Iran ay maalmo gudahood soo saari karto walxo nukliyeer oo ku filan samaynta bambooyin badan. Wuxuu howlgalka Israel ku tilmaamay “tallaabo lagu badbaadinayo qarannimada.”
Iran ayaa mar kale ku adkeysatay in barnaamijkeeda nukliyeer uu yahay mid rayid ah. Si kastaba, hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan soo saartay warbixin ku sheegaysa in Iran ay jebisay waajibaadkeeda hoos yimaada heshiiska caalamiga ah ee xakamaynta faafinta hubka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “aysan weli goor dambe ahayn” si Tehran ay u joojiso duqeymaha Israel iyadoo heshiis cusub lagaga gaarayo barnaamijkeeda nukliyeer.
Tehran waxay horey ugula jirtay maamulka Trump wadahadallo lagu beddelayo heshiiskii uu burburiyay sannadkii 2018. Si kastaba, Iran ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee ka yimid Mareykanka.
Wadahadallada ayaa lagu wadaa in Axadda ka furmaan dalka Cumaan, balse Iran ayaa muujisay in laga yaabo in aysan ka qaybgelin.
“Dhinaca kale (Mareykanka) wuxuu u dhaqmay si wadahadal kasta ka dhigaya mid aan macno lahayn,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran. “Ma ahan suurtagal in aad sheegato inaad doonayso wadahadal, isla markaana aad u oggolaato nidaamka Sahayuuniyadda (Israel) inuu weeraro dhulkeenna.”