Sawiro: Xaaf & Gorod oo ku guleystay talaabadii ugu horeysay oo ay ku midooben (Maxaa soo kordhay?)

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah maanta leysugu furay waddooyinkii ku xirmay colaada ka taagneyd magaalada Gaalkacyo oo muddo  dhowr jeer ah ay kuwada dagaalameen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Waddooyinkaan ayaa waxaa isku furkooda ka qeybqaatay Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ,Taliyaha Ciidamada xoogga Cabdiwali Jaamac Gorod iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Labada dhinac ayaa furitaanka waddooyinkaas ku sifeeyay baahi xiligeeda kusoo aaday, waxa ayna si wada jira u sheegeen in cidii caqabad ku noqotaa laa qaadi doono talaabo sharci ah.

Isku furka wadooyinkaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Hogaamiyaha maamulka Galmudug  Xaaf uu magaalada Gaalkacyo ka waday ololo nabadeyn ah.

Sidoo kale, wadooyinka maanta la furay ayaa ah kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo sidoo kale Gaadiidka u kala goosha labada dhinac.