Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo.
Shirkaas ayaa lagu qabanayaa magaalada Yinchuan ee dalka Shiinaha, wuxuuna furmayaa berri.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda, iyo tamarta.
Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta.
Si gaar ah, Xamsa Cabdi Barre, wuxuu shirkaas ku soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan maalgashi caalami ah, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato.
Xamsa ayaa shalay ka dhoofay duulay Muqdisho, wuxuuna shirka ka hor halkaas ka wadaa kulamo doceedyo uu la yeelanayo madashada Shiinaha.
Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa ah saaxiib dhow, waxaana ka dhaxeeya heshiisyo iskaashi dhaqaale u badan, Shiinaha ayaa ku sii siqaya Afrika oo uu kula tartamayo Mareykanka.