Sawirro: Xamza oo Laascaanood ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed casri ah

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.

Mashaariicda uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha garoon diyaaradeed casri ah oo yeelaneyso magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in deegaannada maamulka SSC-Khaatumo ay ka hirgaliso mashaariic waaweyn oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada.

Shalay ayuu sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamza uu magaalada Laaacaanood ka dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada kaarka muwaadinka ee (National ID).

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo ka sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka kooxaha argagixisada.

Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

Safarka Ra’iisul Wasaarw Xamza ee Laascaanood oo la filayo inuu maanta soo gaba-gabeeyo ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaaladaasi.