Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.
Waxa uu xusay in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,
“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Waxa uu intaas kusii daray “Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taasi oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina.”
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intii uu ku sugnaa xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.
Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimada.