Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hotelka SYL ku shiraya xildhibaanadii ugu badnaa baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qado sharaf oo ugu sameeyay xarunta musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada oo tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 200 xildhibaan ayaa maanta qado sharaf loogu sameeyay hotelka SYL oo kasoo horjeeda xarunta madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo ah goobta uu Xasan inta badan kula kulmo xildhibaanada
Xildhibaanadan inkasta oo ay tiro badan yihiin, ayaan hadda la ogeyn inay codka wada siin doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo doonaya inuu markale soo laabto. Hase yeeshee tani waa dhoola-tus aad u weyn oo Xasan uu soo bandhigay
Arintan ayaa u muuqaneysa inay tahay dhoolotus xildhibaan oo uumarkii labaad sameynayo Xasan Sheikh Maxamuud, oo hadda ka hor mar qaabilay illaa 180 xildhibaan.
Maalinta berri ayaa la kala ogaan doonaa haddii taaageerada Xasan ee ka muuqata kulanka ay isku bedesho mid rasmi ah iyo guul.