Sawirro: Xasan oo soo arkay mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku waxyeeloobay weerarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay weerarkii hoteelka SYL.

Madaxweyne Xasan ayaa indhaha soo saaray baaxadda waxyeeladda mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo gaartay weerarkii ay xalay maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku qaadeen hoteelkaasi, oo aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad deg deg ah, isaga oo warbixinno ka dhageystay maamulka Isbitaalka.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.

Weerarkan ayaa waxaa loo soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmadiisa, waxaana socota baarista weerarka oo si weyn uga qeyb qaadanayaan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weerarkan ayaa sida la fahamsan yahay laga gaarin ujeedkii laga lahaa, ayada oo Alle uu sakhiray waxyeeladda ka dhalatay, ayna ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwii halkaasi ka agdhawa ee Ilaaladda Madaxtooyadda ay maleeshiyaadka ku qasbeen in xayndaab gabaad ah ka dhex sameystaan gudaha hoteelka oo aysan ka fulin toogasho toos ah, sida ay rabeen.