Sawirro: Xasan oo kulankii u horreeyey la yeeshay Abiy Ahmed kadib doorashadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka.

Abiy oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Intaasi, kadib Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la caleema saarayo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan isbedelka siyaasaded ee ka dhacay dalka, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ku dhow kulankaas oo lagu kalsoonaan karo.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka xoogan la leh dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna Abiy 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibkii Farmaajo oo ay ku wada jireen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo sidoo kale Eritrea.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo la dirira kooxda Al-Shabaab.