Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay taalada Dhagax-tuur, kaasi oo lagu maamuusayay halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftoodii u horay halgankii dheeraa ee xorriyada dalka.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay in tallaabadan uu maanta qaaday madaxweynaha ay qeyb ka tahay weynaynta toddobaadka xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeen.
“Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay munaasabadda loogu dabaal-dagayay xuska 26 June ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.
Waxa uu sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.
“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la xoojiyo midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka kala xir-xiray Soomaalida, islamarkaana si dhab ah looga heshiiyo in aanay markale dib u dhicin wixii tabashadaas sababay.