Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamta kulan muhiim ah la qaatay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac.
Kulankan ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalintooda muuqata ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in taageeradaas ay ahayd mid horseed u noqotay kobaca dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
Himilada DF iyo wada-shaqeynta caalamiga ah
Intii kulanku socday, Madaxweynaha ayaa faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta dowlad-wanaagga, isaga oo sidoo kale muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda, gaar ahaan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin toos ah.
Wuxuu caddeeyay in dowladdu ay wado qaban-qaabada wadatashi qaran oo horseedi kara hannaan siyaasadeed oo midaysan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay u heelan tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan la-hawlgalayaasha sida Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo midnimo, xasillooni iyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan.
Wuxuu Midowga Yurub ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha garsoorka iyo maamulka.
Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku xoojinayo xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, si loola jaanqaado geeddi-socodka nabadda iyo horumarka.
Madaxweynaha wuxuu caddeeyay in iskaashigaasi yahay mid sal u ah hiigsiga dowladdu ku doonayso inay gaarto Soomaali nabdoon oo isku filan.
Midowga Yurub ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen dadaalka dowladda Federaalka ee ku aaddan dhismaha dowladnimo iyo hirgelinta dib-u-habeynta lagama maarmaanka u ah horumar waara.
Ergadu waxay tilmaantay in Midowga Yurub uu sii wadi doono kaalintiisa si loo xaqiijiyo degenaansho siyaasadeed iyo horumar bulsho.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu soo gaba-gabeeyay is-afgarad ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo ka go’naanshaha sii wadidda taageerada ku wajahan arrimaha muhiimka u ah horumarka Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo ergada Midowga Yurub ayaa isla qiray in iskaashi joogto ah uu yahay furaha guusha Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.













