Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa bilaabay qorshe xasaasi ah oo uu ku wiiqayo awoodda Somaliland ee deegaanada gobolka Sool, kaasi oo ah mideynta Sool iyo Sanaag.
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa shaaciyay in maamulka uu hoggaamiyo uu doonayo in uu mideeyo dadka ku nool gobolka Sanaag, si ay ula dhistaan maamul wadajir ah oo ka dhaxeeya.
Firdhiye wuxuu sheegay in midnimadu tahay dariiqa kaliya ee lagu difaaci karo danaha dadka deegaanka, ayna muhiim tahay in la sameeyo hoggaan mideysan oo matala dhammaan beelaha labada gobol.
Wuxuu intaas ku daray inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo gooni-isu-taagga Somaliland, si deegaannada Sool iyo Sanaag gebi ahaanba looga jaro Somaliland.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid lagu difaacayo midnimada dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed, lagagana hortagayo kala qaybsanaan sii xumeysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee deegaanka.
Firdhiye wuxuu si cad u muujiyay in SSC-Khaatumo ujeeddadeedu tahay in ay dadka labada gobol isku keento, si ay u dhistaan maamul la isku raacsan yahay oo leh awood iyo sharciyad maxalli ah. Maamulkan ayuu sheegay inuu noqon doono mid ay dadku si buuxda u metelaan, lagana reebo cid kasta oo dano gaar ah ku leh kala qeybinta dadka iyo dhulka.
Isaga oo ka hadlayay xaaladda magaalada Ceerigaabo, ayuu Firdhiye eedayn culus u jeediyay Somaliland, isagoo ku tilmaamay in ay dhibaatooyin ka geysatay magaaladaas. Wuxuu sheegay in dad badan oo reer Ceerigaabo ah laga barakiciyay guryahooda, cabsi darteedna ay u qaxeen meelo kale, taasoo muujinaysa sida uu amnigu hoos ugu dhacay.
Firdhiye wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadkaas la barakiciyay ay dib ugu noqon doonaan guryahooda, isagoo sheegay in SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay inay dadkaas ku celiso deegaanka ay asal ahaan ka yimaadeen.
Wuxuu tilmaamay in dhibaatada lagu hayo shacabka aysan marnaba sii socon doonin, isla markaana maamulkooda cusub uu noqon doono mid xaqiijiya nabad iyo caddaalad.
Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu caddeeyay inuu doonayo in si buuxda gacanta loogu dhigo dhulka ay Somaliland weli maamusho ee ku yaalla Sool iyo Sanaag. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada maamulkaasi uu ugu jiro in uu meel mariyo aragtidiisa ku aaddan midnimada dadka deegaanka, waxaana hoggaamiyuhu si isdaba joog ah ugu baaqay shacabka in ay diyaar garoobaan.
Dhanka kale, Somaliland ayaa hore u diidah sheegashada SSC-Khaatumo, iyadoo ku adkaysatay in aysan ka tanaasuli doonin xuduudaha ay sheegato inay ka dhaxashay gumeysigii Ingiriiska. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa muujiyay in difaaca dhulkaasi uu yahay arrin qaran oo aan laga leexan karin.
Xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag weli ma deggena, waxaana marar badan dhacay isku dhacyo u dhexeeya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Inkastoo Somaliland sheegtay inay dhigayso gogol nabadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka, haddana muranka dhuleed weli wuu taagan yahay, taasoo muujinaysa baahida loo qabo xal waara.