28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh oo talooyin cajiiba ka jeediyey shirka madaxdii hore ee Afrika

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Johannesburg ee dalka South Africa lagu soo gabagabeeyay Madasha Hoggaamiyeyaasha hore ee Qaaradda madow ee Africa.

Shirka oo magaalada Johannesburg ka socday muddo laba cisho ah ayaa waxaa laga jeediyay khudbado ku saleysnaa waayo aragnimada Hogaamiyayaashii hore iyo arrimo kale oo ku aadan horumarada ka jira Africa.

Hogaamiyayaashu waxa ay diirada saaren suuragalnimada in dowladaha iyo shucuubta Africa ay ka qeybqaatan isbedelada ka socda adduunka intiisa kale, xili ay Africa kasii baxeyso dhibaatooyinkii daashaday.

Waxa ay Hogaamiyayaashii hore sharaxaad dheer ka bixiyeen suuragalnimada in dhalinta Afrikaanka ah ay mustaqbalka dhowr afkaartooda gaarsiiyan dalalka reer galbeedka si loo tijaabiyo horusocodka dhalinyarada Africa.

Waxa ay si siman Hoagaamiyayaasha usoo jeediyeen in dhalinyarada Qaarada Africa loo diyaariyo mustaqbalka hoggaanka Qaarada waxna ay ka bartaan hogaamiyaashii hore.

Hogaamiyihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka Somalia u matalaayay Hogaamiyayaasha waxa uuna ka dhiidhiyay inay muhiim tahay in la helo jawi lagu sara qaadikaro hamiga dhalinyarada.

Xasan Sheekh ayaa ku celcelshay in dhalinyarada Afrikaanka ah loo sameeyo shirar ay uga tashankaraan aayahooda Africa, si loogu sii diyaariyo hogaaminta Qaarada ee mustaqbalka dhow.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale dhalinyarada Afrikaanka ah ugu baaqay inaanu ka liidan dhalinyarada kale, isla markaana ay yeeshaan hami ka weyn kan ay hadda hayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News