Cosoble oo Muqdisho kula kulmay wafti ka socday beesha caalamka

Siyaasiga Weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabellee Cali Cabdillaahi Cosoble ayaa manta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi heer caalami ah oo ka socday beesha Caalamka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimo la xiriira dar dar gelinta dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo in dayactir lagu sameeyo garoonka diyaaradaha ee Magaalda Jowhar iyo sidoo kale in la dhiso wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho iyo arimo kale oo la xiriira xaalada deegaanada Maamulkaasi.

Dhanka kale Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wacad ku maray in uu yahay hogaamiyaha rasmiga ah ee Maamulka Hirshabeelle islamarkaana uu sii ahaan doono isaga oo dhegaha ka fareystay go’aankii ay xildhibaanada maamulka Hirshabeelle talada kaga tuureen.

Sidoo  kale siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda beesha uu u dhashay Cali Cabdillaahi Cosoble ayaa soo dhaweeyay kulanka uu Cali Cabdillaahi Cosobe la qaatay wafdigan ka socday qaramada midoow waxayna taageereen go’aanka Cosoble uu ku sheegay in uu yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle .