Warqad: Agaasimihii waaxda howlaha guud ee madaxtooyada oo laga mamnuucay inuu soo galo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Madaxtooyada Soomaaliya laga mamnucuay inuu soo galo  Agaasimihii Waaxda Howlaha Guud ee Madaxtooyada C/raxiin Ibraahim Muudeey kadib markii asbucii hore laga qaaday xilkii uu madaxtooyada ka haayey. .

Amarka Agaasimaha loogu diiday inuu soo galo madaxtooyada ayaa waxaa saxiixay Fahad Yasiin oo ah Agaasimaha Guud ee madaxtooyada.

Agaasimaha Xilka laga qaaday ayaa shalay Salaadii Khudbo ka istaagay Masjidka Madaxtooyada isagoo sheegay inay Villa Somalia ka jirto Cadaalad darro sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Masaajidka ka sheegay in cadaalad darro bilowgeeda iyo dhamaadkeeduba ay ka jirto Villa Somalia lana doonaayo in xal loo helo cadaalad darida jirta.

Agaasime C/raxiin Muudeey oo xilka laga qaaday asbuucii hore ayaa halkaas ka sheegay in dulmi iyo cadaalad darro ay ka dhex jirto Madaxtooyada.

Mas’uuliyiinta xiligaa ku sugnaa Masjidka ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaraaha, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Nabadsugida Maxamed Cabdullahi Sanbalooshe iyo Mas’uuliyiin kale oo dhowr ahaa.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda lagu wargeliyey inuusan Cabdiraxiim soo geli karin Madaxtooyada isla markaasna loo wareejiyey wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com