Sawiro: Beesha Habargidir oo isku afgaratay sida laga yeelayo xasuuqii Bariire

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta beesha Habar Gidir ayaa shir muhiim ah ku qabsaday saakay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka caanka ah ee Diplomatic ee magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa looga arrinsanayay falkii ka dhacay Bariirre ee ahaa in hal goob lagu wada duqeeyo dhawr iyo toban qofood oo hal beel kasoo wada jeeda, kuwaas sida la sheegay ahaa dad rayid ah.

Ujeedka shirkan ayaa ah in ay meel kaga soo jeestaan falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidanka Mareykan ka ugu geysteen degmada Bariirre dadka reyidka ah, sidoo kale waxa ay go’aan hor dhaca ah ku gaareen in aan la aasin maydadka, ilaa meel rasmi ah la saaro xuquuqda dadkii lagu laayay goobtaas.

Waxaa ka hadlay Guddi shalay loo saaray arrinkaas, kuwaas oo sheegay iney Rweysal Wasaare Kheyre iyo Xukumaddiisa isku soo af-garteen iney dowladdu si cad u sheegto iney dadka la laayay ay yihiin shacab beeraley ah, meedkana la aaso.

Arrintaas waxay sheegeen guddigu iney kusoo qanceen, iyaguna ka doonayaan dadka meesha jooga iney kula qancaan warkaas.

Waxaa shacabkii meesha yimid lagu booriyay iney xaaladda dejiyaan, oo aysan uga darin sidey hadda tahay.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Mahad Salaad ayaa goobta kasoo muuqday, waxaana la isku afgartay inay ka war sugaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com